
Office of the Auditor General (OAG) – Southwest State Somalia
Sharciga Hantidhawrka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee 2021 wuxuu dhisayaa saldhig sharci oo rasmi ah oo lagu maamulo kormeerka iyo hubinta isticmaalka hantida dadweynaha ee heer dowlad goboleed. Xeerku wuxuu qeexayaa madax-bannaanida buuxda ee Xafiiska Hantidhawrka Guud, awoodaha uu leeyahay, iyo mas’uuliyadaha waajibka ah ee lagu xaqiijinayo isla xisaabtanka hay’adaha dawladda. Waxaa lagu caddeynayaa in Hantidhawrka Guud uu si madaxbannaan u fulin karo hawlihiisa, islamarkaana uu heli karo dhammaan xogta, diiwaannada, iyo dukumiintiyada uu u baahan yahay.
Xeerku wuxuu faahfaahinayaa habdhiska maamulka Xafiiska Hantidhawrka Guud, oo ay ku jiraan magacaabista Hantidhawrka Guud iyo Ku-xigeenkiisa, mudda-xileedkooda, xil gudashada, iyo habka looga qaadi karo xilka. Waxa kale oo lagu qeexayaa awoodda xafiisku u leeyahay inuu dejiyo qawaaniinta iyo habraacyada shaqo, inuu shaqaaleeysiin karo khabiiro iyo shaqaale kale, isla markaana uu isticmaali karo heerarka hantidhawrka ee qaran iyo kuwa caalami ah. Qodobbadu waxay si cad u muujinayaan in Xafiisku leeyahay awood sharci ah oo uu ku horumarinin karo nidaamka maamulka maaliyadeed ee DGKGS.
Sharcigu wuxuu si faahfaahsan u qeexayaa awoodda hantidhawrka ee ku aaddan baarista xisaabaadka dawladda, kormeerka waajibaadka sharci, iyo hubinta waxtarka, hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha. Waxaa ku jira qodobo awood siinaya Hantidhawrka Guud inuu baaro miisaaniyadaha, qandaraasyada, dakhliga, kharashaadka, hantida dawladda, iyo mashruucyada deeq bixiyeyaasha maal geliyaan. Xeerku wuxuu waajibinayaa in warbixinada hantidhawrka loo gudbiyo Golaha Wakiillada iyadoo lagu caddeynayo natiijooyinka, talooyinka, iyo wax ka qabashada lagama maarmaanka ah.
Sharciga Hantidhawrka DGKGS wuxuu kaloo dhisayaa nidaam isla xisaabtan oo lagu maamulo xafiiska hantidhawrka laftiisa, oo ku waajibinaya diyaarsashada qorshayaasha sanadlaha ah, warbixinada waxqabadka, iyo in xafiisku mar walba u furan yahay hantidhawr madax-bannaan. Xeerku wuxuu leeyahay qodobo ciqaab ah oo lagu xoojinayo fulinta sharciyada, laguna mudeynayo masuuliyadda dadka ku xadgudba habraacyada, ku qasbanaanta bixinta xog khaldan, ama carqaladeeya hawlaha hantidhawrka. Sharcigani wuxuu noqday laf-dhabarta sharci ee isla xisaabtanka DGKGS, wuxuuna si cad u xoojinayaa madaxbannaanida, hantidhowrka, iyo hufnaanta maamulka maaliyadda.