
Office of the Auditor General (OAG) – Southwest State Somalia
Waxaa la soo saaray warbixinta rasmiga ah ee Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (DGKGS) ee ku saabsan baarista maaliyadeed iyo u hoggaansanaanta shuruucda ee sannad-maaliyadeedka ku dhammaaday 31da Diseembar 2025. Warbixintan ayaa bixinaysa faahfaahin ku saabsan dakhliga la ururiyey, kharashaadka baxay, iyo caqabadaha hannaanka maamulka maaliyadda guud (PFM).
Aragtida Ka-gaabsashada (Disclaimer of Opinion): Hantidhowraha Guud wuxuu qaatay aragtida ka-gaabsashada maadaama aan la helin caddeymo ama dukumentiyo baariseed oo ku filan oo taageeraya qaybo muhiim ah oo ka mid ah Warbixinta Maaliyadeed.
Dakhliga iyo Kharashka: Sannad-maaliyadeedka 2025, dakhliga guud ee la helay wuxuu ahaa USD 25,720,091, halka kharashka guud uu gaaray USD 25,425,275.
Caqabadaha Maaliyadeed: Warbixintu waxay tilmaamaysaa in ay jireen kharashaad badan oo aan loo hayn dukumentiyo dhammaystiran, gaar ahaan dhanka kharashaadka ciidamada, wax-soo-iibsiga, iyo dakhliga gudaha.
Dabagalka Talooyinkii Hore: 22-kii talo ee la bixiyey sannadkii 2024, waxaa la fuliyey 2 talo oo keliya, halka 17 talo aan weli la fulin.
Hadaad rabto in aad si qoto dheer ugu akhriso xogta, shaxda miisaaniyadda, iyo talooyinka faahfaahsan ee hantidhowrka, fadlan soo deji warbixinta oo dhameystiran.